Chelsea oo si rasmi ah u ceyrisay tababaraheeda Frank Lampard.

0

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa si rasmi ah xilka tababarenimo ee kooxdeeda uga cayrisay tababare Frank Lampard kaas oo la filayay inay deg-deg u qaadi doonto seefta mulkiie Roman Abramovich oo aan mudoba ku qanacsanayn qaabka uu kooxda wax uga wado.

Lampard ayaa haatan booska 9-aad la fadhiyay miiska kala sarreynta horyaalka kooxdiisa Chelsea taas oo aan ahayn wax ay ku qanceen maamulka Blues ee sida xoogan isku garab taagay suuqii xagaaga.

Chelsea ee kulankii ugu dambeeyay guuldarro 2-0 ah kala soo kulantay Leicester City halka ay kulankii ka horreeyay guul dirqi ah oo 1-0 ah kasoo gaadhay 10 xiddig oo Fulham ah.

Warbixin rasmi ah oo ay hadda soo saartay Chelsea ayay ku shaacisay in go’aanka Lampard shaqada lagaga diray uu ahaa mid aan si sahlan lagu gaadhin oo adag isla markaana natiijooyinkii dhawaa ee kooxdu aysan ahayn kuwo heerkii kooxdu doonaysay jooga.

Warbixinta Blues ayaa u taalay sidan “Kani waxa uu ahaa go’aan aad u adag mana aha mid mulkiilaha iyo gudidu si fudud ku gaadheen”

“Waxaanu uga mahadcelinaynaa Frank wixii uu kooxda ku gaadhay guulo wakhtigiisii tababarenimo, si kastaba, natiijooyinka dhawaanahan iyo qaab ciyaareedyadu lama aysan kulmin filashooyinkii kooxda, kuwaas oo kooxda kaga tagay badhtamaha miiska kala sarreynta iyadoo aan la hayn wado cad oo horumar ah”

Dhinaca kale mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa sheegay inuu ixtiraam oo dhan u hayo Lampard oo uu xidhiidh wanaagsani kala dhaxeeyo isla markaana go’aanku uusan ahayn mid sahlan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.