Askari ka tirsanaa ciidamada Somaliland oo xukun dil ah lagu fuliyey magaalada Laascaanood

0

Deegaanka Bali-harac ee gobolka sool ayaa maanta lagu toogtay askari oo hore loogu eedeeyey inuu gaystay dilka askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Asluubta Somaliland bartamihii bishan.

Go’aanka lagu fuliyey qisaasta ayaa la sheegay in ay ku heshiiyeen beelaha ay kasoo kala jeedaan labada askari.

Askariga la qisaasay oo lagu magacaab jiray Maxamuud Iidle Aadan ayaa lagu eedeeyey inuu 16-kii bishan uu Laascaanood dhexdeeda ku dilay askari ay ka wada tirsanaayeen ciidanka asuubta Somaliland, islamarkaana uu dhaawacay qof shacab ah.

Qisaasta maanta ayaa ka dhacday deegaanka Bali-harac ee gobolka sool ,waxaana goob joog ka ahaa cuqaal, culumo iyo waxgarad kale.

Maamulka gobolka Sool ayaan weli ka hadlin askarigan loo qisaasay askariga kale, ee ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ee ay ku heshiiyeen beelahoodu.

Garyaqaano ku sugan Laascaanood ayaa sidoo kale dhaliilay habka uu dilkaan u dhacay oo sheegeen in uu baal marsanaa Dastuurka u yaal Xukumada Somaliland oo sheegeen in uu qabo in Maxkamad la soo taago  maadaaba uu ahaa askari Qaran sida ay sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.