Ciidamada Badda Mareykanka oo soobadbaadiyay Badmaaxiin Soomaali ah

0

Ciidamada Badda Mareykanka ee ka howlgala Gacanka Cadan ayaa sheegay ka soo badbaadiyay badmaaxiin Soomaali ah meel u dhow xeebaha dalka Soomaaliya.

Badmaaxiintan oo tiradoodu lagu sheegay 15 ruux ayaa waxa ay la socdeen markab xamuul qaada laguna magacaabo Falcon Line kaasoo biyuhu qaadeen kana diiwaan-gishan Gabon.

Markabkan ayaa la sheegay inay cillad soo wajahday waxaana ogaaday Xarun ilaalin oo ka tirsan Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Ingiriiska oo ku wargalisay Ciidanka Badda ee Mareykanka in markab Falcon Line ay cilad soo wajahday matoorka gacanka Cadan.

Shaqaalihii la soo badbaadiyay ayaa la siiyay raashin, biyo, iyo baaritaan caafimaad, ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Maraykanka.

Markabka 5-aad ee Maraakiibta Mareykanka wuxuu sheegay inuu hadda la shaqeynayo milkiilaha shirkadda Falcon Line iyo mas’uuliyiinta kale si loo ogaado meesha ugu wanaagsan ee shaqaalaha markabka ka soo degi karaan.

Falcon Line waa markab xamuul oo guud ahaan ka diiwaan gashan Gabon, sida ay qortay warbaahinta maxaliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.