Ciidamo horleh oo la dhigay Koontoroolada laga galo Madaxtooyada

0

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya noocyadooda kala duwan ayaa saaka lagu arkayaa wadooyinka gala Madaxtooyada Soomaaliya, xilli la filayo in uu Maanta qabsoomo kulanka Golaha Shacabka.

Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la dhigay wadada ka timaada dabka ee gasha Madaxtooyada, wadada Isgoyska Ceelgaabta iyo tan Taalada Daljirka Daahsoon.

Ciidamada ayaa waxaa ay baaritaano kala duwan ku sameeynayaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyaga qaarkood u diidaya dadka lugeynaya iyo Gaadiidkaba  inay u gudbaan dhinaca Madaxtooyada.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in ujeedka ay tahay sidii si awood ah loogu meel marin lahaa muddo kordhin ay Xildhibaannada u sameeynayaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka ayaa ah mid xasaasi ah oo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka ma

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.