Dowlada oo shaacisay xilliga xariga laga jarayo dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

0

Xukuumadda Frederaalka ah ee Soomaaliya  ayaa faah faahin ka bixisay xilliga rasmiga ah ee xariga laga jarayo dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhismaheeda uu waqt hore soo bilaawday.

Wasiirka Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Soomaali ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in xariga laga jaro dhismaha wadada Bishii Febaraayo ee la soo dhaafay balse sababao amni darted uu dib ugu dhacay.

Wasiirka oo la hadlay Warbahinta dowladda ayaa sheegya in dhismaha wadada uu haatan yahay geba-gabo, isla markaana la gaarsiiyay Buundada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, dhawaana xariga laga jari doono.

Ugu dambeyn Wasiirka Howlaha guud & Guryenta ee Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Soomaali ayaa sheegay in markii la dhameystiro ay kasoo bixi doonto waddo muhiim u ah isku socodka Magaalada Muqdisho & Afgooye.

Wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho & Afgooye oo dhowr sano uu socdo dhismaheeda ayaa waxaa ka dhacay qaraxy qaarkood ismiidaamin ahaa, kuwaas oo lagu dilay Injineero Turki ah iyo Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.