Faahfaahin ka soo baxaysa qarax ka dhacay duleedka bari magaalada Jowhar

0

Labo askari ayaa ku geeriyootay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay miino la qaraxday gaari ay saarnaayeen duleedka bari ee magaalada Jowhar.

Gaariga ay miinada la qaraxday ayaa ka mid ahaa gawaari ku sii jeeday deegaanka Qoordheere oo ka tirsan degmada Raagge Ceelle.

Kolonyada gaadiidka ayaa waxaa mas’uuliyiintii la socotay ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan.

Wararka ka imanaya deegaanka Qoordheere ayaa sheegaya in dagaal xoog leh uu ku dhex maray ciidamada dowlada iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Qoordheere ayaa sheegay inay haatan la wareegeen gacan ku haynt adeegaankaas ciidamada dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.