DAAWO:Nabdoon cabdulle xidigow oo maanta lagu caleemasaaray duleedka magaalada Jowhar

0

Munaasabad lagu caleemasaarayay Nabadoonka cusub ee beesha Owbakar Nabadoon Cabdulle Xiddigow  oo lagu qabtay deegaanka Yabaal ee duleedka magaalada Jowhar  ayaa waxaa ka soo qeybgalay  nabadoonada magaalada Jowhar.

Nabadoonada ka qeybgalay munaasabada caleemasaarka ayaa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Ururka ay ku mideysan yihiin Duubab Plus ee magaalada Jowhar Nabadoon Axmed  Caddow Beerey, Nabadoon Xasan Qaasin Qeyley, Nabadoon Nuur Siyaad Canjeex,Nabadoon Axmed Sukeeli,Nabadoon Yuusuf Daqare,Nabadoon Cilmi Jidow Colow,Nabadoon Cali Sheekh Yuusuf iyo qaar kale.

Nabadoonadan ka qeybgalay munaasabada caleemasaarka Nabadoon Xiddigow ayaa kula  dardaarmay  nabadoonka cusub in uu bulshada ugu adeego si daacadnimo ah.

Allaha u naxariistee waxaa bishii la soo dhaafay geeriyooday nabadoonkii hore ee beesha  Owbakar ee degmada Jowhar Axmed Tifow Gacal.
HALKAAN KA DAAWO NABADON XIDIGOOW OO MAANTA LAGU DUUBAY M JOWHAR:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.